XIL. MAHAD SALAAD MAXAA BEDELEY

0
21

GURACEEL(TEBIYENEWS)- Xildhibaan Mahad salaad oo si weyn umucaarada Jirey Golaha Fulinta dowlada Federalka ee soomaaliya ayaa hada umuiqda mid soo ayara dabcey.

Kadib kulan ay wada qaateen Raisul wasaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Calikheyre intii uu kusugnaa Cadaado.

Xildhibaan mahad Salaad oo siweyn udhaliili Jirey Nabad Iyo Nolol ayaa hada Bilaabey in uu ifiyo waxqabadka Xukuumada Xasan Cali kheyre

Hadal uu bartiisa Facebook kuqorey ayaa umuuqdey mid kaftan saxiibnimo kamuuqdey “Ugaas Xasan ayaa galabta neef geel ah oo irmaan ah noo hadiyeeyay. Waxaana noo lissay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Caanaheeduna teelaysi ayay ahaayeen. Waxaana loo qaybsaday cantuugada Caanaha sadex qaybood oo kala ah: Nabad iyo Nolol (PM Kheyre), Galmudug (Sheekh Shaakir) iyo Mucaaradka oo aan anigu madashaas ku matalayay

Ciyaartaan Garsooreyaal waxaa ka ahaa Wasiir Ducaale iyo Senator Jawaahir. Loolankuna aad ayuu u adkaa, sidaas daraadeed barbar dhac ayuu kusoo idlaaday. Qolo walibana iyada oo qanacsan ayay xaafadeedii usoo carrowday”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here