Xawaaladda Taaj oo beenisay war ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya

0
5

 Wargeys-yada caanka ah ee kasoo baxa Kenya ee Standard iyo the-Star ayaa saakay qoray War ay ku sheegeen iney Dowladda Kenya heshay xog ku saabsan in hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan iyo ururka Al-shabaab ay leeyihiin xiriir wada –shaqeyn ah , iyagoo dhinaca kalena soo bandhigay Warqad ay ku sheegtay dowladda Kenya  ka heshay Ilo sirdoon oo lagu tilmaamay in Al-shabaab lacago loogu diray.    

Warqadda oo loo ekeysiiyay tan lacagaha ay ku bixiso Xawaaladda Taaj ee Soomaaliya, ayey sidoo kale Wargeys-yada Kenya soo bandhigeen. Haddaba Sargaal sare oo ka tirsan Xawaaladda Taaj oo la hadlay HOL yaa beeniyay Warka Dowladda Kenya, iyo jiritaanka warqaddaasi.

Mas’uulkan ayaa soo bandhigay caddeymo dhowr ah, sida xilliga la sheegay in lacagta la bixiyay oo warqadda ku qorneyd oo aysan shaqeyn xafiisyada Shirkadda, tirada lacagta oo khalad loo qoray iyo Number sireedka ku qoran oo aan isagana tix raac laheyn.

Dhinaca kale HOL waxey ogaatay in Warqadda la ‘adeegsaday ay muddo  dhex-socotay baraha arrimaha bulshada , gaar ahaan Facebook-ga ka hor inta aysan Wargeys-yada Kenya baahin.

Lama oga waxyaabaha ku qasbay Warbaahintaasi in ay hadda adeegsadaan.

Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo ka socda militiriga Kenya, waxeyna ka howl-galaan deegaannada Jubaland, xiriirka siyaasadeed ee labaa dal ayaa in muddo ahba ahaa mid uu ku jiro mad madow,  arrintaas oo salka ku haaysa muranka badda labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here