Xasan Sheekh oo ka hadlay dacwada Badda ee dib loo dhigay kuna eedeeyay Madaxda DFS

0
12

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Jara’id Maanta muqdisho ku qabtay ayaa ka hadlay Go’aankii Maxkamadda ICJ ee dib loogu dhigay kiiska dacwadda Badda Soomaaliya oo ay kenya muranka gelisay.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Afar Sano kadib ay weli meesheedii taagan tahay kiiska badda,isla markaana in la qaado tiro Saddex jeer ah dib loo dhigay si kasta haku timaadee.

Waxaa uu sheegay in Go’aanka dib u dhigista ay imaan karto markii ay heshiis ku yihiin labada dal,balse in markale muddoo 11 Bilood ah dib loo dhigo aysan ajeyn mid sax ah.

” Dacwada Badda waxaa dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii kowaad , labaad iyo sadexaad waxaa la aqbalay codsiga kenya oo kaliya Arintaasi sax maahan hadii ay jirto oo dowladeenu diidanayd dib u dhigista dacwada cademaymaha hala wadaagto Shacabka, hadal kaliya looma baahna ayuu yiri Xasan Sheekh”

Isaga oo sii hadlayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Go’aanka Dacwadda Badda dib loogu dhigay ay dowladda Soomaaliya ogolaatay,hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed ay u been sheeganayaan madaxda Dowladda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dacwadda Badda ay hogaaminayeen Qareeno Caalami ah oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay Muno Sharmaa isla markaana meesha laga saaray balse dowladdu aysan sheegin dadkii lagu bedelay qareenadaas.

Maxkamadda ACJ ayaa go’aamisay in dacwadda Badda la qaado 15-19 Maarso 2021,waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka uu sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here