Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xisbigiisa soo saaray maanta warsaxaafadeed uu kaga hadlayey is hortaagii shalay lagu sameeyey Senetaro Katirsan Aqalka Sare Soomaaliya.
Waxa uu Xasan Sheekh Xisbigiisa ku tilmaamay wax laga xumaado arintaas la sameeyey ee Wafdigaasi qaarkood loo diiday inay Duugta Marxuum Macalin Maxamed Kaga qeyb galaan Kismaayo.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA
Soomaaliya maanta waxay ku sugan tahay marxalad aad iyo aad xasaasi u ah taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in si xilkasnimo ah loo wajaho si loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed uma baahna in awoodda iyo sharciyadda dowladnimada loo adeegsado beegsiga dad gaar ah taas oo meel ka dhac ku ah sharafka iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed.
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD waxa uu si adag u cambaareynayaa falkii guracnaa ee maalintii Axadda 10 May 2020, lagu xayiray safarkii tacsida ahaa ee qaar ka mid ah madaxda UPD uga qaybgali lahaayeen aaska Allaha u naxariisto wasiirkii wasaaradda waxbarashada ee Jubbaland Macallin Maxamed Ibrahim.
