Xasan Daahir Aweys oo shaaciyay Xog ku aadan dilkii Elmaas Elman & Nuuca Xabada lagu dilay

0
21

Xasan Daahir Aweys oo Xabsi guri ugu jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii 20-kii bishin gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdishho loogu geystay Elmaas Elman Axmed oo ahayd Gabar ka soo jeeda Qoys caan ah oo u dhaq dhaqaaqa nabada iyo horumarinta Bulshada.

Wadaadkan oo arrimaha taagan uga hadlay Bartiisa Bulshada ayaa marka u tacsiyadeeyay Qoyska ay ka geeriyootay Elmaas oo ay si wanaagsan isku yaqaanaan,wuxuuna intaasi raaciyay in Gabadha la dilay ahayd Gabadh wanaagsan oo Salaadda ku wanaagsaneyd,sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in goobta lagu dilay ahayd goob si aad ah loo ilaaliyo,islamarkaana guud ahaan amniga dalka laga ilaaliyo la yaabna ay tahay sida falka u dhacay.

” Gabadhaas ina Elman ahayd oo la dilay waliba meeshii oo ammaan la bidaayay lagu dilay ayaan darteeda u soo galay awalan waa ka tacsiyeynayaa,waxaana la ii sheegay iney Uurna la ahyd,illaahey samir iyo Imaan haka siiyo Ehaladeeda iyo qaraabad,” ayuu yiri Sheikh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal soo dhigay Bartiisa Facebooka.

Elmaas Elman oo ka shaqeyneysay Xafiiska Warbaahinta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa arbacadii la soo dhaafay lagu dilay gudaha xarunta Xalane ka dib markii xabad aan la aqaan halka ay ka timid madaxa ka haleeshay.

Waxaa baaritaan ku aadan Kiiskan oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo AMISOM,kaasi oo lagu doonayo cida ka dambeys dilka Elmaas oo ahayd Gabar Uur lahayd oo ka soo jeeda Qoys caan ka ah gayiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here