Kante ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka habeen dambe ay Chelsea ku wajaheyso Eintracht Frankfurt lugta labaad ee wareega afar dhammaadka Europe League.

Madaalaha reer France ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray ciyaartii ay Blues saddexda gool uga soo adkaatay Watford kaddib markii uu ciyaaray 10-daqiiqo oo qura.

Laacibka oo dhaawiciisa ka hadlaya ayaa yiri:

He was forced off within 10 minutes of Sunday's win over Watford due to a hamstring injury

“Xanuun baan ka dareemayaa muruqa waxaan u baahanay waqti aan ku hubiyo waxa uu yahay,”. Kante ayaa sidaa u sheegay weaintgotnohistory.

“Waa suuro gal inaan garoomada ka maqnaado ilaa Final ka, laakiin ugu horreyn waxaan u baahanay inaan qaadano waqti aan ku hubineyno wax kasta si aan aragno inta uu qaadan karo dhaawaca.”.

Chelsea ayaa xaqiiqsatay booskeeda Champions League kaddib guushii wayneyd ay ka gaartay Watford isla markaana ay soo adkaan waayeen Man United iyo Arsenal oo ku soo xigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here