Xalima Yarey oo ku marqaati furtay fashilka Kheyre ee shaqadii loo igmaday

0
13

Golaha Shacabku ayaa maanta ka dhagaystay warbixin Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwa Xalima Ismaaciil (Xalima Yarey), Waxbixintaas ayaa Marwa Xalima ku sheegtay in ayan macquul ahaynin  in dalka doorasho loogu qabto xiligii loogu talagalay.

Xalima Yarey ayaa ku marqaati furtay in  Xasan Kheyre ku fashilmay howlihii doorashada ee loo igmaday. Xalima Yarey oo aan soo hadal qaadin magaca Xasan Kheyre ayaa si dadban u sheegtay in xukuumada ku fashilantay in doorasho la qabto xiligii loogu talagalay sababo ka baxsan awooda gudiga doorashooyinka, taas oo macnaheedu yahay hogaanka xukuumadda ayaa ku fashilmay taabaglinta qorshooyinka dalka doorashooyin loogu qaban lahaa.

Xukuumada uu madaxda ka yahay Xasan Kheyre ayaan marnaba fulinin dhamaan qorshooyinkii saamixi lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ama mid fudud oo ah mida dadban.  Kheyre ayaa waqtigiisa ku lumiyay been, faan iyo dagaal siyaasadeed ee aan loo meeldayinin.

Hadaba macquul ma tahay in bilo dheeraad ah loogu daro xukumadda uu hogaamiyo Xasan Kheyre iyada oo la ogyahay in Xasan Kheyre ku fashilmay in uu dalka gaarsiiyo doorasho. Hadalka Xalima Yarey ayaa waxa laga dhadhansan karay in ay leedahay in loo baahan yahay xukuumad cusub oo u sahli kara in gudiga in mudo 13 bilood  gudahooda ay dalka ku gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here