Xaliimo Yarey oo ka qeybgashay kulan looga hadlayay saameynta COVID-19 ee doorashooyinka

0
38

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa ka qaybgashay kulan xagga internetka ah oo u dheexeeyay Guddiyada doorashooyinka Africa hay’adda ay ku mideysanyihiin ee African Election Management Bodies (EMBs ).

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay waaxda arimaha siyaasadda ee Midawga Afrika Department of Political Affairs (DPA) of the African Union Commission (AUC), iyada oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka.

Kullanka ayaa looga hadlay saamaynta Xanuunka Safmarka ee COVID-19 iyo Doorashooyinka Afrika, iyadoo ka soo qaybgalayaasha kulanka ay wadaageen qibradooda la xariirta maaraynta doorashooyinka marka ay jiraan aafooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa kulanka ka sheegaty sida ay Soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here