Xafiiska Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

0
7

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, oo lagu beegsaday Maqaayadda Yemeni.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u cambaaraynayso weerarkaas foosha-xun.

Qoraalka UNSOM waxa lagu sheegay in Qaraxii xalay Al-shabaab fulisay, waxaase xusid mudan in aysan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay tacsi u dirtay Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, halka kuwa ku dhaawacmayna ay caafimaad deg deg ah u rajaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here