Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay

0
1

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay warbixinteeda maalinlaha, ee uga xog waranto xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Xanuunka oo laga baaray 1,178 qof ayaa laga helay 138 qof, iyadoo xaaladaha ugu badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, sida ku cad warbixinta.

117 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, iyadoo Somaliland laga diiwaangeliyay 10 kiis, Koonfur Galbeed 6 kiis, Hirshabelle 3 kiis iyo Galmudug oo 2 kiis laga diiwaangeliyay.

Sidoo kale 89 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 49 kalena ay haween yihiin, waxaana guud ahaan dalka laga xaqiijiayay dhimashada shan qof, halka 1 qof uu xanuunka ka bogsaday.

Tirada guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 6,687 xaaladood, iyadoo 3,784 qof ka bogsadeen, halka 223 qof-na ay u geeriyootay.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in xanuunka uu weli si weyn ugu faafayo Caasimadda Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here