Xaaladda caafimaad ee Roobow oo ‘halis ku jirta’ iyo xildhibaano kulan deg deg ah isugu imaanaya

0
10

Muqdisho (Tebiyenews) – Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed ayaa soo jeediyay in loo midoobo arrinta Mukhtaar Roobow oo wali u xiran dowladda.

Dowladda Federaalka ayaa soo xirtay Mukhtar Roobow oo mar ka tirsanaa Al-Shabaab dhamaadka sanadkii 2018 kadib markii uu isku soo sharraxay doorashada Koofur Galbeed, waxaana xildhibaan Idiris uu sheegay  iney xaaladiisa caafimaad aad u xun tahay kadib markii uu dhawr maalmood ka hor uu cuntada ka soomay.

Tebiyenews ayaa khamiistii baahisay in ehalada Mukhtaar Roobow ay sheegeen inuu muddo saddex maalmood ah cuntada ka soomanaa xiligaas, isla markaana xaaladiisa ay sii xumaaneyso.

Mid ka mid ah ehaladiisa oo magaciisa lagu sheegay Nuunow ayaa la hadlay idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, wuxuuna u sheegay ineysan garaneyn sababta, sidoo kalana aan loo ogoleyn iney arkaan balse lagu wargaliyey in muddo saddex maalmood ah uusan waxba cunin.

Si kastaba Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo muuqaal ku gudbinaya baraha bulshada ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed iney isugu yimaadaan kulan sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana xaaladaan meel saaraan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay u sheegay xildhibaanada kale in loo baahan yahay mowqif adag iney ka qaataan arrinta Mukhtaar, sidoo kale wuxuu rahmaday hanjabaad ah iney isaga tagayaan dowladnimada hadii aan loo fulin rabitaanka ay isku raaci doonaan.

Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu wax badan kusoo cel-celiyay in go’aanka ay ka qaadan doonaan hadii aan loo sii deynin Mukhtaar ay kalsoonida kala laaban doonaan Dowladda Federaalka.

Wakhti yar ka hor ayey aheyd marka uu muuqaalka baraha bulshada kaga soo muuqday, wuxuuna soo jeediyay sidoo kale iney galabta isku yimaadaan.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laga deyrinayo xitaa bad-qabka Mukhtaar Roobow oo la xasuusto inuu isku soo dhiibay dowladda, waxaana la sugi doonaa go’aanka kasoo baxa iyo hadii ay isku yimaadaan xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo sida ay noqon doonto falcelinta Dowladda ka hor kulanka iyo kadibba.

Halkaan hoose ka daawo baaqa kasoo baxay Xildhibaan Idiris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here