Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
9

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool degmadaasi Yaaqshiid.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdikaafi Aweys Maxamed ayaa waxaa wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay ahaayeen Burcad dooneysay inay dhacaan,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

Qaar kamid ah Ehellada Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay iyo Ciidamo Boolis ah ayaa goobta tegay, iyaga oo halkaasi ka qaaday Meydka si loo Aaso.

Wiilka Dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in uu kamid ahaa arday barata Culuumta Caafimaadka mid ka mid ah jamaacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here