Weerar Lagu Qaadey Saldhigyo Ku Yaala Afgooye

0
24

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay qaybo kamdi ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab dhowr jiho ka weerartay saldhigyo ku yaala halka laga soo galo magaalada.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka xerooyinkaas ay leeyihiin Ciidamadda Soomaaliya. Dhawaqa hubka ayaa ahaa mid aad loo maqlay.

Dhanka kale, hal askari ayaa dhintay afar kalena way dhaawacmeen kadib weerar jidgal ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka baxay xerada Gordan ayaa la xusay in lagu beegsaday degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka caasimada.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tilmaamay in ay ka dambeeyeen falkaas oo ciidamadda lagu beegsaday ay kusii jeedeen Afgooye.

Kadib falkaas, waxaa la sheegay ciidamadda ay qariyeen afar miino.

Sikastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan waxay ku ekeysaa saldhigyadda ciidamadda dowladda, taasoo dhalisa khasaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here