WAX KA OGOW DASTUURKA JUBALAND QODOBADA DOORASHADA KA HADLA

0
249

MUQDISHO(TEBIYENEWS)-Cutubka 4-aad Qodobka 67-aad farqada 4-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jubbaland waxaa uu dhigayaa in Guddiga Doorashooyinka ay mudeyaan (cayimaan) habraaca iyo xiliga Doorashada ka hor 6-isbuuc dhamaadka mudda xileedka Golle’yaasha la soo doorto (Baarlamaanka & Madaxtooyada)

Dhamaadkii mudda xileeeka Gollaha sharci-dejinta (baarlamaanka) waxaa hadda laga jogaa 79 Maalin, hadii aan sikale u dhaho waxuu ku e kaa 15 bishii April taas oo ka dhigan in ay laalantahay awooda Sharci-dejin ee Baarlamaanka jubbaland.

Dhanka kale 43 Maalin oo kaliya ayaa ka dhiman dhamaadka muddo xileedka iyo Doorashadda hogaanka Madaxtooyada Jubbaland.

Waxaa muuqata in si cad lo hareermaray fulinta awaa-miirta Qanuunka iyo u hogaansan la’aanta waxa uu jideeyay Dastuurka.

Sidookale waxaa muuqata in ixtiraam daro loo muujinayo heshiiska bulsho ee jubbaland ku dhisantahy oo ka dhigan ixtiraamida dhamaadka mudo xileedka xubin walba oo ku fadhisa golle cod bulsho (la doortay ama uu xulay wakiil bulsho)

Dib u dhaca shaqo gudasho ee Guddiga Doorashada, u hogaansan la’aanta Dastuurka, waqtiga kooban ee haray iyo baaxadda shaqada culus ee hor-taala Guddiga marka la eego dhamaan waxay su’aal gelinayaan in Doorashada ay ku dhici karto waqtigii loo asteeyay.

Hadaba Maxaa hor taagan shaqo gudashada Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka.

ma jiro cudur-daar rasmi ah oo la xiriira dib u dhaca masuuliyada loo idmay oo ay bulsho la wadaageen Guddiga Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here