Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisciid Muuse Oo Kormeeray Terminal-Ka Movcon

0
55

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax oo ay weheliyeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kormeer ku tegey Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo ay dhowaan xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hawl-wadeennada Garoonka ka dhegeystay warbixin ku saabsan khaladaadkii shaqo, cabashooyinkii laga soo gudbiyey qaabkii uu u shaqayn jirey iyo siyaabaha baal marsan shuruucda dalka ee loo adeegsaday Terminal-ka.
Terminalkan ayaa waxaa isticmaali jirey oo ay gaar u ahayd shaqaalaha qaramada midoobay iyo safaaradaha wadamada shisheeye ee dalka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay wadahadal la geli doonaan dowlada Soomaaliya si ay uga wadahadlaan dib u furista terminalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here