Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Xabsiga Ka Baxsaday & Dowladda Somalia oo wajaheysa Ceeb weyn

0
5

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa goor dhow shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in hey’addaha amniga ay ku raad-joogaan C/rashiid Janan oo ka baxsaday halkii uu ku xirnaa.

Lama oga halka uu ku xirnaa C/rashiid Janan, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in horay loogu xiray oo muddo todobaadyo lagu hayay labo xarumood oo kala ahaa Xarunta dambi baarista ee CID iyo Xarunta NISA.

Waxaa ay ugu baaqday shacabka inay soo sheegaan haddii ay arkaan, iyadoo xustay inuu yahay dambiile loo heysto dambiyo kala duwan.

Dhamaadkii Bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ka xireen garoonka diyaaradaha C/rashiid Janan oo ka yimid magaalada Kismaayo, iyadoo la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here