Wasiir iibsaday imtixaanadii shahaadada Dugsiyada Sare

0
96

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarshada Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa la xaqiijinayaa inuu yahay shaqsiga iibsanaya Imtixaanada shahaadiga ee dugsiyada sare ee bilowday ee Suuqyada Magaalada Muqdisho wareegaaya sida aad qaybta hoose ee qoraalka aad ku arkaysid Imtixaanka Taariikhda ee la geli lahaa.

Imtixaanka Taariikhda ee maanta la geli lahaa ayuu ka iibsaday arday ka mid kuwa imtixaanka gelaaya sida uu Gundhig u xaqiijiyey mid ka mid ah ardaydaasi.
Imtixaanka ayaa lagu iibinaaayaa Xarun Travel agency ah oo la yiraa Tayo ayna wada leeyihiin wasiir Ku xigeenka Waxbarshada Faysal Cumar Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa dadka yaqaan waxa ay Gundhig u sheegeen in uu hore u iibsan jiray deeqo Waxbarasho Jaamcadeed oo laga helay Dalalka Hindiya iyo Shiinaha.

Wasiirku Xigeenka Waxbarshada Faysal Cumar Guuleed ayaa ku caan baxay Musuqmaasuq iyadoo lagu xasuusto Xilligii Dawlada Cabdullahi Yuusuf xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dib u heshiisiinta looga qaaday Musuqmaasuq iyo wax is daba marin uu ku sameeyey lacagtii loogu talagalay ergooyinkii odayaasha dhaqanka uu ku sameeyey shirkii Nabadaynta beelaha soomaaliyeed ee xiligaasi lagu qabanaayey Xero gaadiidka.
Xukuumada uu hogaamiye Xasan Kheyre ayaa sheegata inay la dagaashay musuqmaasuq laakiin tani waxa ay cadeyn u tahay inuusan jirin wax laga qabtay Musuqmaasuqa ay ku kacayaan Xubnaha Golaha Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here