Wasiir Cawad) Waxba kalama socon cidna iguma wargelin imaatinka xildhibaanada Kenya

0
17

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa qadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo wuxuuna Wasiir Cawad sheegay in aanu wax ka ogeyn, waxba kala socon isla markaana aanan lagu wargelin imaatinka Xildhibaanada Kenya ee uu martiqaadeen MW Farmaajo iyo Fahad Yasin.

Xildhibaanada Kenya ayaa waxaa ka qaaday magaalada Nairobi, diyaarad u kiresan Villa Somalia kuna soo celisay magaalada Nairobi.

Wasiir Cawad ayaa iska bari yeelay falka tooska ah ee Fahad & Farmaajo ay ku faragelinayaan xasiloonida siyaasadda Kenya, maadaama uu hanti ku leeyahay magaalada Nairobi.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in warqaddii ashtakada ahayd ee ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ku arkay baraha bulshada, markii danbana ogaaday in warqadda lagu qoray amar uu bixiyay Fahad Yasin kaasoo lasoo marsiiyay Wasiiru Dowladda Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Sheekh Axmed oo uu abti u yahay Fahad Yasin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xaaladda Siyaasadeed ee Kenya iyo Somalia ayaa gaartay heerkii ugu xumaa ebed kaddib markii dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay faragelin ay ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, balse maanta caalamka laga arkay doodda Soomaaliya mid bil caksi ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here