Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka

0
9

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa saqdii dhexe ee caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray 823 qof, lagana helay 198 qof.

190 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, Jubbaland ayaa 3 kiis laga diiwaangeliyay, Hirshabelle iyo Jubbaland oo min 2 kiis laga diiwaangeliyay, halka 1 xaalad laga diiwangeliyay Galmudug.

Sida ku cad warbixinta Wasaaradda Caafimaadka 118 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 80 kalena ay haween yihiin.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa COVID-19 dalka ugu geeriyootay 7 qof, halka 3 qof-na ay ka bogsatay.

Xaaladaha guud ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 6,444 kiis, iyadoo 3,781 qof ka bogsadeen, halka 215 kalena ay u geeriyootay.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay halka laga diiwaangeliyay xaaladaha dhimashada, tan iyo markii uu xanuunka COVID-19 dalka dib ugu soo laba kacleeyay, bilowgii bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here