Wasaarada Gaashaandhiga oo ka hadashay kufsi ay geesteen ciidamo katirsan milatariga

0
14

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay fal kufsi ah oo labo gabdhood dhawaan loogu geestay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kufsigan oo loo geestay gabar yar oo 13-sao jir ah iyo haweeney xaamilo aheyd ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ciidamo latirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Janaale.

Wasaarada gaashaandhiga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay soo gaartay falkaasi kufsiga ah ee ka dhacay Janaale, waxa ayna Wasaarada si adag u cambaareesay falkaasi foosha xun.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maxkamada ciidamada qalabka sida bilowqday baaritaano ku aadan kufsigan, waxa ayna Wasaarada gaashaandhiga sheegtay cidii lagu helo in falkaan ka dambeesay ay mari doonto ciqaab ay mudan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here