WASAARADA DIFAACA TELYAANIGA OO WAR KASOO SAARTEY QARAXII MAANTA

0
20

Wasaaradda Gaashidhaga Talyaaniga oo war ka soo saartay weerarkii lagu Qaaday Ciidamadeeda Jooga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga oo qoraal kusoo qortay barta Twitterka ayaa xaqiijisay in qaraxaas lala eegtay Ciidamo ka tirsan Talyaaniga oo marayey jidka Warshadaha, kadib markii ay kasoo laabteen tababar ay soo siiyeen ciidamada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay inuu qaraxa haleelay laba ka mid ah gawaaridii Gaashaannaa ee weerarka qabsaday.

Waxay sheegtay inuusan jirin khasaaro Ciidamada Talyaaniga kasoo gaaray Qaraxii Muqdisho lagula eegtay.

Ciidamada Talyaaniga ee la beegsaday ayaa waxay kamid yihiin kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u joogo inay tababaraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxayna kolonyada weerarka lagu qaaday ka imaadeen Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar lagu siiyo qaar ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here