(Warbixin Xasaasi ah) Xaalada Siyaasadda Geeska Africa & Soomaaliya oo go’doon siyaasadeed lagaliyay

0
36

Gobolka Geeska Africa waxaa ka jira khilaafaad Dhuleed, Siyaasad & Dhaqaalo, lama xalinin dhamaan khilaafaadkii uu abuuray gumeestihii cadaanka ahaa. Hadda waxaa jirto dagaal dhaqaalo & isbalaaran awoodeed taaso kasocota Wadamada Geeska Africa , Ethiopia , Sudan, Masar , Eritrea , Djibouti, Kenya & Soomaaliya.

Khilaafaadkaas oo ay dawada ka riixayaan dowlado dano siyaasadeed iyo mid dhaqaalo ka leh Gobolka Geeska Africa,

Dowladaha Qatar, Turkey , & Russia oo isku dhaw fikirka sida loo wajahayo siyaasada Geeska Africa oo dhinac ah & Dowladaha UAE, Saudi Arabia , Masar  & Sudan oo iyana dhinac ah .

Sido kale waxaa jiro dowlado kale oo iyana sameen adag ku leh siyaasada Geeska Africa kuwaaso ah Midowga Yurub, Ingiriiska & Mareykanka , iyana waxaa kasoo horjeeda fikir ahaan Siyaasada Shiinaha eek u dhisan wax wada qabsi iyo maalgalin.

Arrintaasi oo kasocoto Gobolka Geeska Africa,  kacsanaanta Siyaasada waxeey kaalmaha hore kaga jiro Soomaaliya  wadamada Qasaaraha ugu badan uukasoo gaaray , markii laga tago dowladaha Liibiya & Yemen oo iyana dagaalka Siyaasadeed uu sameeyay.

Doodaha Taagan & Figradaha isdiidan ee Gobolka Geeska Africa.

Gobolka geeska Africa markii la qiimeeynaayo waxaa Saldhig u ah qaska siyaasadeed waa.

  1. Wabiga Nile
  2. Maalgashiga Turkey ee Sudaan & Libya
  3. Dakadaha Soomaaliya, Djibuti & Eritrea.
  4. Urur Diimeed aaminsan Jihaad siyaasadeed 
  5. Xuduudaha dhuleed uu gumeeystaha Calaamadeeyay.
  6. Quwadaha waaweyn ee caalamka oo mid walba dhisa ama maal galiyo dhaqdhaqaaq hubeysan, ama Siyaasadeesan si midba midka kale uu ka saaro aaga ayku muransan yihiin.

Mashaakilaadka  Soomaaliya  Heesto waxaa  saldhig u ah Arimahaan  aan kor kusoo sheegnay dadka Soomaaliyeed suaalaha ay iswaydiiyaan ayaa ah ama dunida caalamka dadka sida wanagsan u fikira.

  1. Soomaaliya waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Maxeey isku dilayaan?
  2. Qabiilaadka Soomaalida waa isdhaxgalaan, waa wada noolyihiin, waana isguursadaan , hadaba waa maxay dagaalka aan dhamaan ee lagu sheego dagaal Qabiil?
  3. Dadka Soomaaliyeed waa dad wada muslim ah leh hal caqiido oo suni wada heesto maxeey masaajida isku dilaan ama isku qarxiyaan.

Muqdisho Online waxeey xaqiijisay baaris cilmiyeesan ku sameeysay Xalada Siyaasada ee Soomaaliya mashkiladeeda ineeysan aheyn dadka Soomaaliyeed  oo ay tahay Dano Caalami oo isdiidan .

Dowlada Qatar oo kaabeyso Ethiopia waxeey Soomaaliya ka dhistay.

  1. Alshabaab
  2. Dowlada uu Hogaamiyo  Madaxweyne Farmaajo

Danaha laga leeyahay waa .

  1. In gacanta lagu dhigo hishiisyada Kheyraadka Soomaaliya.
  2. In gacanta lagu dhigo Hoggaanka ummadda Soomaaliyeed.
  3. In laga faa’ideysto dekadaha Soomaaliya iyado kula dagaalameyso Dowladaha Khaliijka

Alshabaab waxaa si toos ah oo aan ganbad lahayn u taageera Dowlada Qatar , Ujeedada loodhisayna waxaa ay tahay in ay Soomaaliya siyaasadeeda Saameyn toos ay ku yeelato.

Madaxweyne Farmaajo waxaa maalgaliyay Doorashadiisa Dowlada Qatar si ay u hesho hishiiska Kheyraadka dabiiciga & ineey Soomaaliya ka eriso dowlada cadowga u ah sida Imaraadka , Sacuudi Carabiya & Masar.

Dowlada Qatar ayaa hishiisyo qarsoon horay ula gashay dowladaha Kenya & Ethiopia sidee u tageeran musharaxnimada Madaxweyne Farmaajo balse markii la guuleystay Qiimeenteeda gaarka ah waxaa usoo baxay ineey doorato fulinta hishiiskii aylagashay Ethiopia ? 

Dowlada Qatar inta aysan maalgalin Doorashada Madaxweyne Farmaajo waxeey daraasad kusameeysay labada dowladood Kenya & Ethiopia .

Ugu horeyn waxeey hishiisyo hordhac ah lagashay Dowlada Kenya  kulana balantay in Dacwada biyaha bada Soomaaliya laga soo celin doono Maxkamada Caalamiga ICJ . taas badalkeedana waxeey usoo jeedisay ineey si buuxdo utageerto Musharaxnimada Mohamed Abdullahi Farmaajo. Dowlada Kenya Balanqaadkeeda waa kasoo baxday wayna tageertay Musharaxnimada Farmaajo iyadoo wadanka Kenya uu ahaa goobta ugu weyn uu Farmaajo ololihiisa siyaasadeed ku qabsanayay wuxuuna tageero buuxday ka heystay Madaxweyne Uhurru Kenyaatta.

Marka Xigto Dowlada Qatar iyadoo cabireeyso dacaha Ethiopia ee Soomaaliya waxeey sheegtay   Hadii ay midoowan Dowladaha Sudan , Ethiopia, Eritrea & Soomaaliya ay adkaan doonto meel marinta dhismaha Biya Xireenka Nile ee Ethiopia  sido kale waxeey Qatar ku yihiin midowga Dowladahaas islaamka ah ineey burburin karaan Awooda Ethiopia  waxaa loosoo bandhigay in uu tageero Musharaxnimada Mohamed Abdulahi Farmaajo taas badalkeedana Ethiopia ay heli doonto dhamaan danaheeda Soomaaliya. 

Dowlada Qatar waxeey si iskeed u qiimeysay Faaidada & Qasaaraha ugu jira Ethiopia & Kenya waxaana usoo baxay

  1. Kenya in ay tahay Dowlad ku shaqeeyso hanaan cadaladeed isla markaasna u hogaansan shuruucda caalamka u dagsan, sido kale Kenya  kiiska Bada ee dacwadiisa taalo Maxkamada ICJ ineey caqabad ku tahay isticmaalka awooda ciidamada Kenya kana dhalan karto fashil  . .
  2. Ethiopia waxaa ka dhisan dowlad aan xaqdhowrin xuquuqda Madaniga , Dowlad wanaaga iyo ineeysan ixtiraamin dhamaan axdiyada caalamka uga yaalo sida arrimaha ilaalinta  madaxbanaanida dhuleed . sidaasi oo ay tahay Xiriirka Ethiopia & Soomaaliya ayaa ahaa normal  sidaasi darted Dowlada Qatar waxeey Qaadatay Hishiiska Ethiopia .

Sida loodoortay Madaxweyne Farmaajo maxaa iska badalay Siyaasada Soomaaliya  .

Doorashada Madaxweyne Farmaajo kadib Waxaa hoos loo dhigay xiriirada Diblumaasiyadeed Dowladaha Imaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya, Masar, & Sudan iyadoo latixgalinaayo saaxibada Madaxweyne farmaajo oo ah Ethiopia & Qatar.

Madaxweyne Farmaajo ka hor inta aan la dooran  Xiriirka taariikhiga ee ka dhaxeeyo Soomaaliya & Masar siduu ahaa?

Labada Shacab, ee Masar & Soomaaliya xiriirkooda wuxuu bilaawday Qarnigii 2 aad xiriirkaas oo ku dhisnaa Mid ganacsi , Sida .

  1. Xoolaha Nool
  2. Dharka Hidaha & Dhaqanka
  3. Dalaga Beeraha

Suuqa ay doomaha Masaarida kusoo xiran jiray waxaa ka mid ah deegana hoos yimaado Magaalada Boosaaso. Sido kale Culimada kaladuwan ee Soomaalida ayaa iyaguna xiriir dhow la leh dhiggooda Masar.

Markii ay xornimada qaadatay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960, Masar waxay ka mid noqotay ummaddi ugu horreysay ee aqoonsata Soomaaliya .

Masar Waxay  si weyn u maal gelisay waaxda waxbarashada Soomaaliya , waxaana doorka masar hogaaminayay Jaamacada Alazhar  

Sanadkii 1969, Masar iyo Soomaaliya waxay ka mid ahaayeen aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Labada qaranba sidoo kale waxay xubin ka yihiin Ururka Jaamacadda Carabta.

Burburkii Dowladii Soomaaliya  1991, Masar waxay sii waday xiriirkii diblomaasiyadeed Dowladihii kumeel gaarka ee soomaaray Soomaaliya Sido kale waxayna taageertay dadaalladii kasocday Soomaaliya . Iyada oo qayb ka ah Kooxda Xiriirka Caalamiga ah,

Masar waxay ka qeyb galeen shirar kala duwan oo caalami ah oo lagu taageerayay geedi socodka nabadda Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkii Khartoum 2006, shirkii Jabuuti ee 2008, iyo shirkii Qaahira ee 2010.

sida loogaliyay Soomaaliya Godoon Siyaasadeed ayaa ah.

waxaa laga eryay saaxiibo muhiim ah sida Imaraatka , Sacuudi Arabia, Sudan & Masar waxaana soomaaliya kaliya ka fulaayo danaha Dowladaha Qatar & Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo in uusan daacad u ahay danaha qaranka waxaa kaaga markhaati ah eryida Dowlada Imaraadka oo Sanadl walbo ku bixin jirtay 400 Milyan oo dolar Mashaariicda hormarineed ee ka waday Soomaaliya , sido kale dowlada imaraatka si maalin la ah 1000 bukaan oo soomaali ah ayaa lasiin jiray latalin caafimaad iyo daaweyn bilaash ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here