Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Siinay ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in uu dhexmaray qaar kamid Ciidamada Jubbaland iyo kuwo taabacsan Cabdi Naasir seeraar oo isna sheegta in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaan uu yimid,kadib markii taageerayaasha Cabdi Naasir Seeraar ay bilaabeen banaanbax ka han ah Axmed Madoobe,hayeeshee uu rasaas ku ridey askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland.
Aaga uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa degan Cabdi Naasir Seeraar ,sidoo kale waxaa ku taalla Xarunta Baarlamaanka Maamulka Jubaland,waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ka duwan sidiii hore,waxaana dagaalkaan uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ku sugan yihiin Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto iyo Xubno kale.