Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay

0
14

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Jadwalka maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ku cad in xanuunka laga baaray 936 qof, lagana helay 128 qof, kuwaa  oo intooda badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho.

110 qof oo ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa reer Muqdisho, iyadoo Jubbaland laga diiwaangeliyay 8 xaaladood, Somaliland 6 kiis, Koonfur Galbeed 3 kiis iyo 1 kiis oo Galmudug laga diiwaangeliyay.

Sida ku cad warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka dadka xanuunka laga helay 75 ka mid ah waxaa weeye rag, halka 53 kalena ay haween yihiin.

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay waxaa xanuunka dalka ugu geeriyooday 8 qof, halka 7 kalena ay ka bogsadeen.

Tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 6,017 xaaladood, iyadoo 3,764 qof ka bogsadeen, halka 202 qof-na ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here