Wararkii ugu dambeeyay kulamada socda Dhuusamareeb

0
7

Kulamo gaar gaar ah u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda ee gaaray Dhuusamareeb iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyadda Galmudug oo ay degan yihiin inta badan Mas’uuliyiinta gaaray Magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayeyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.

Waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano iyo siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.

Kulamada ayaa looga hadlaya Ajendaha Shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb iyo sidoo kale sidii dalka loogu jiheyn lahaa go’aan Mideysan oo ku saabsan doorashada Soo socota ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here