Wararka Maamulka Jubbaland”Dadka dagaalka hurinaya sida Shabaab ayaan ula dagaalameynaa”

0
12

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, arrimaha qabyo tirka Dastuurka iyo Hindise sharciyeedka gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer ka yeeshay qodobka Dastuurka ee ay Dowladda Federaalku gudbisay kuwaasoo ay ka mid yihiin sharciyada Batroolka, warfaafinta iyo Doorashooyinka, waxaana ay goluhu ansaxiyeen in Dowlad goboleedka Jubbaland aysan qayb ka aheyn wixii kasoo baxana aanay shuqul ku lahayn.

Sidoo kale Waxaa kaloo ay goluhu ka doodeen dagaalka lagula jiro Al shabaab, waxaana ay goluhu go’aamiyeen in cid kasta oo abuusha kana shaqaysa hurinta dagaal ay ula mid yihiin Al-shabaab lana dagaalami doonaan.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa intii shirkoodu socday waxay ka tacsiyeeyeen khasaaraha ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here