Wararka ka imaanaya Doha oo sheegaya in Kheyre Cisbitaal lagu daweeynayo

0
21

Sida ay sheegayaan warar aan la shaacinin oo ka imaanaya dalka Qatar, xaruntiisa Doha, Xasan Kheyre ayaa mudo gaaban galay cusbitaal ku yaala magalaada Doxa halkaas oo lagu daaweynayo.

Ma aha markii u horeeysay oo uu Xasan Kheyre u tago halkaas isdaawayn, labadii sano ee la soo dhaafay dhowr mar oo kala duwan ayuu halkaas isdaawayn ku tagay iyada oo shacabka laga qaraniyo.

Warar ka imaanaya Doha ayaa sidoo kale sheegaya in Xasan Kheyre loo geeyey halkaas dhaawac ka soo gaaray madax kadib ka dib markii uu istaaga ka dhacay  isaga oo ku sugan xafiiskiisa taas oo gaarsiisa dhaawac madaxa ah.

Mar aan la xiriirnay xafiiskiisa Xasan Kheyre ee Muqadisho si aan wax uga weydiino arintaan,  ayaa howlwadeenada xafiiskiisa ka gaabsadeen in ay ka hadlaan safarka Kheyre ee dalka Qatar.

Kheyre oo ah shaqsi faan badan oo sawiro iyo qoraalo la wadaago shacabka marka uu safar ku tago dalka dibadiisa ayaa inta uu ku sugnaa dalka Qatar ayaa  ka gaabsay in uu soo hadlo ama dadka la wadaago sawri isaga shaqo ku dhex jiro.

Waxaan shaki ku jirin marka qoraal MOL  baxo, in uu isku dayi doono in uu sawiro iska soo qaado isaga oo ku jirio shirar ama madax ku booqana xaruumahooda si uu u beenayo qoraalkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here