WAR HADA SOO DHACEY: VILLA- HARGEYSA OO BILOWDEY SHAQO AAN LOOGU BARAN.

0
61

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsamaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca jinsiga ama dembiyada la xiriira jinsiga,waxaana kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale Oo gudigaasi ka tirsan,waxaana kulanka inta uu socday aad loogaga hadlay xaalada Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga la xiriira,waxaana xubnaha Qaramada ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates taas Oo fadhigeedu u yahay Dalak Canada.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here