War Deg Deg:-Askar Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Muqdisho

0
7

Askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho,halka mid kalana lagu dhaawacay.

Falkaan waxaa geystay Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo iyagana hubeysnaa.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in labada dhinac ay rasaas isdhaafsadeen, islamarkaana halkaas lagu dilay hal askari,mid kalana la dhaawacay waxaana laga qaatay qorigii uu watay.

Dhanka kale Ilaa haatan lama oga sababta arintaan ka dambeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here