WAR DEG DEG AH: XARUUN QARAXYADA KUSMEYSAN JIRTEY ALSHABAAB OO LADUQEEYEY IYO FAAH FAAHIN…

0
38

Duqaymo Diyaaradeed oo Xoogle ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen degmooyinka Saakow iyo Bu’ale ee Gobolka J/Dhexe.

Duqeynta 1aad ayaa lasheegey in lagu bartilmaameed sadey Xaruuntii Keydka Ciidamada Alshbaab oo kutaaley Degmada Saakow.

Duqeynta ayaa dhacdey xilli dagaal yahanada alshabaab ay wadeen dhaq dhaqaayo ciidan ay uga diyaar garoobayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamo DF oo kusugan Gobolka Gedo Kuwaas oo lasheegey in ay ku wajahan yihiin Gobolka Jubada Dhexe.

Diyaaradahan ayaa lasheegey in xaruunta la beegsadeen 7 Gantaal waxaana lasheegayaa in Dagaal yahanada Alshabaab ay kaga dhinteen kudhawaad 270 Dagaal yahan iyo afar kamid ah saraakiishii loo diyaarinayey in ay hogaamiyaan dagaalka waxaana Jira dhaawacyo tirabadan oo lasheegey in loola cararey tuulooyinka ku dhow dhow degmadaasi sida ay xaqiijinayaan saarkiil katirsan wardoonla soomaaliya

Duqeynta labaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacdey Degmada Bu’ale Xaruunta Gobolka Jubada Dhexe.

waxa la Duqeyay xarun lagu diyaariyo walxaxa qarxa laguna ilaaliyo guudatada looyaano istish-haadiyiinta ee isqarxiya oo kutaaley duleedka Degmada Bu’aale waxaana lagu bur burburiyey 7 Baabuur waxaan kudhintey 70 ruux oo isugu jirey macalimiin iyo farsamo yaqaano ku guda jirey diyaarinta baabur lagu weeraro gobolka Banaadir.

Lama oga diyaaradaha duqeynta geystey heebtooda waxaana soo badanaya beegsiga xaruumaha muhiimka ah ee alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here