WAR DEG DEG AH: WEERARKII UGU QASAARAHA BADNAA OO KADHACEY GOBOLKA BAY.

0
83

BAYDHABO(TEBIYENEWS)-Wararka naga soo gaaraya Jiiro-Madsheek iyo Athable-Gunre oo udhaxeeya Berdaale iyo Awdiinle ayaa sheegaya oo katirsan Gobolka baay ayaa sheegaya in dagaal xoogan kafhacey halkaasi.

Dagaalka ayaa lasheegey in uu ku bilowdey Qarax miino oo loo dhigey kolonyo ciidanka Itoobiya ah.

Qarax kadib ayaa dadka deegaanku sheegeen in rasaas is qabsatey ayagoona sheegey in ilaa iyo 6 gaari lagu gubey ciidanka Itoobiya.

Lama oga qasaaraha dhabta ah hase yeeshee intaan laga jarin qadka xiriiro aan lasameyney dadka deegaanka ayaa sheegey in ay arkaayeen 6 gaari oo katirsanaa kolayada Itoobiya sida ay sheegeen walow aan weli dhanka kale la ogeyn qasaaraha soo gaarey.

Ciidamada alshabaab ayaa larumeysan yahay in ay kadanbeeyeen sida uu sheegtey afhayeen lahadley warbahinta afkooda ku hadasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here