WAR DEG DEG AH: WEERARKII UGU QASAARAHA BADNAA OO ALSHABAAB CAAWA LOO GEESTEY IYO BU”AALE OO CAAWA LA OGEYN CIDA HEYSATA?

0
86

Dukhaymo iyo iska hor imaadyo xoog leh ayaa kadhacey Degmooyin katirsan Gobolka Jubada dhexe.
duleedka Degmada Jilib ayaa ka dhacday Duqayn xoogle oo Bartilmaameedkeedu ahaa Xarun ciidan Alshabaab ay kuleeyihiin halkaasi.

duqeynta ayaa lasheegey in ay socotey kudhowaad 30 daqiiqo waxaana Gebi ahaanba dhuulka lalasimey xaruunta.

sarkaal katirsan wardoonka Soomaaliya ayaa sheegey in duqeyntaasi lagu diley inta badan Dagaalamayaashii alshabaab oo halkaasi kusugnaa oo kor udhaafayey 130 askari.

duqeynta labaad ayaa kadhacdey Degmada Saakow waxaana halkaasi lagu duqeeyey dagaalamayaasha loo yaqaano (Jabhada difaca Bardhere), ciidankan ayaa lasheegey in ay qorsheynayeen in ay lawareegaan maalmaha soosocoda degmada Baardheere oo katirsan Gobolka Gedo.

ila xog ogaalka ayaa sheegaya in ciidanka laduqeeyey ku hubeysanaayeen gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan waxaana gebihaanba lagu burburiyey duqeynta.

waxaana jira dhimasho iyo dhaawac xoogle walow aan tirada laxaqiijin sida ay sheegayaan saraakiil katirsan wardoonka soomaaliya.

weerarka ugu xooga badnaa ayaa kadhacey Degmada Bu,aale.

weerarka ayaa markii hore ku bilowdey si gaadmo ah kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran ku dageen qeybo kamid ah Degmada waxaana bilowdey iska hor imaad xoogan oo dhexmartey labada dhinac.

mudo kooban oo dagaalka socodey kadob ayaa lasheegey in dhoor gantaal lagu dhuftey xeradii Alshabaab ku dhex dagaalamayeen waxaana durba Gudaha ugaley ciidamadii dhulka kadagaalamayey.

saraalkiil katirsan alshabaab ayaa la aaminsan yahay in nolasha lagu qabtey halkaa kuwa kalana dagaalka ay kudhinteen sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow deegaanka.

Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay goor dhow kabaxeen degmada waxaana hada maqan isgaarsiinta deegaanka.

lama oga in ciidamada huwanta ah ay weli joogaan iyo in kale.

wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here