WAR DEG DEG AH: WASIIRKA AMNIGA JUBALAND OO LASHEEGEY IN UU KA CODSADEY DF CIIDAMO DHEERAAD AH LAGEEYO KISMAAYO.

0
223

MUQDISHO(TENIYENEWS)-ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wasiirka amniga dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Jubaland uu war qad codsi ah usoo qorey wasiirka amniga Dowlada Federalka Soomaaliya.

Warqada ayaa lasheegey in wasiirki ku codsadey ciidamo dheeraad ah kuwaas oo sugi doona amaanka doorashada Jubaland.

arintaan ayaa hadii ay dhabowdo u muuqata qorshe lagu afgenbinaayo doorashada Jubaland taas oo wasiir Janan laga soo dhaadhiciyey xilli uu kusugnaa muqdisho.

Waxaana laxasuustaa xilligii dooashada koonfur galbeed socotey in warqad uu qorey wasiirkii amniga KGS taas oo ku dalbanaayey ciidamo dheeraad ah si doorashada baydhabo loo sugo amnigeeda walow ciidamadaas markii danbe gacan weyn ka geesteen qabashada musharax dowladu u arkeysey in uu qatar ku yahay danaha ay ka leedahay KGS

Doorashada Jubaland ayaa la aaminsan yahay in ay tahay doorashada uga xamaasada badan marka loo eego kuwii ayada ka horeeyey

Dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in ay aaminsantahay hadii madaxweynha hada jira soo laabto in madaxda federalka aanu soo laaban doonin doorashada 2020 ee fooda nagu soo heysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here