WAR DEG DEG AH: WASIIR OOMAAR HADAL U MUUQDA MURAXNIMADIISA IN UU KATANAASULEY SHEEGEY.

0
195

wasiir maxamed cabdulahi Salaad wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada DF soomaaliya oo ahaa musharaxa dowlada soomaaliya lagu tuhunsanaa ayaa bartiisa facebook kusoo qorey sababihii uu ugu baaqdey safar lafilaayey in uu ku aado magaalada kismaayo wasiirk oomaar ayaa hadalkiisa kamuuqdey in uu ka tanaasuley musharaxnimadiisa si loo ilaaliyo xasiloonida kajirta jubaland

“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro.

In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow).

Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran.

Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono. Caqliga ha shaqeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here