War Deg Deg ah: Wasaarada maaliyada DF oo lacagtii u fasaxdey Jubaland iyo maamuladii kale.

0
53

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaaa Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u fasaxday lacag horey ay cagta uga saartey oo gaareysa 6 milyan oo dollar oo ahaa deeqda Midowga Yurub ee Miisaaniyadda, waxaana Dowlad Goboleedyada loo diray min Hal Milyan oo isku mid ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay Shirkii Wasaaradda Maaliyadda XFS Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacay todobaadkii hore magaalada Addis Ababa Kaas oo ay garwadayn ka ahayd IMF-ta taasoo ku aaddaneyd wada shaqeynta hey’addaha Maaliyadda dalka .

waa ku mahadsanyahay wasiir Beyle inuu ugu danbayn garoowsaday inaan Far Keliya Fooldhaqin.

sidaasi si lamidka qaybaha kale ee isku haysta ineey Wax walba ayagu yihiin ineey hada wixii ka danbeeya dhegahooda iyo indhahoodaba furi doonaan oo ay garwaaqsan doonaan In Dastuurka dalka uu yahay mid Federaal ah Awoodaha Dowladnimadana Hay’ad walba ay ku Leedahay kaalinteeda ay u madaxbanaantahay

Xildh: Mohammed Hassan idriss

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here