WAR DEG DEG AH: WAAKUMA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANADIR MASUULKA LOO WADO

0
158

Avv Cumar Dhagey oo kamid ah lataliyaasha gaarka ee R/wasaare Kheyre ayaa la filayaa in loo magacaabo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.

Cumar Dhagey ayaa ah nin ay si aad ah isugu dhawyihiin Xildh Faarax Cabduqaadir islamarkaana kamid ahaa lataliyaha gaarka ee ololaha doorashadi 2016 Madaxweyne Xasan Shiikh, magacaabista Avv Dhagey ayaa u muuqata isu soo dhawaasho iyo isfahan hor leh ee dhexmara N&N iyo Damjadiid.

Isbahaysigan Cusub ayaa loo malaynayaa in uu wax badan ka badello masraxa siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan aragtida siyaasadda beelaha iyo shacabka ku nool Gobolka Banaadir, Avv Cumar Dhagey ayaa ah khabiir sharciga iyo siyaasadda waxaa laga sugayaa in uu soo jiido taageerayaal badan oo ka tirsan ururki hore ee Damujadiid islamarkaana fuliyo qorsheyaasha siyaasadda dowladda ee Gobolka.
Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here