WAR DEG DEG AH: SHARIIF XASAN OO KUWAJAHAN KISMAAYO IYO QORSHA UU HALKAASI UTAGAYO OO LA OGAADEY

0
234

Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed mudane shariif xasan sheekh aadan ayaa kuwajahan magaalada Kismaayo Maamulka Jubaland halkaasi oo lasheegey in uu uga qeyb galaayo xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam.

Safarka mudane shariif ayaa lasheegey in uu uga duwan yahay madaxda kale ee imaan doonta in uu wado qorshe lid ku ah dowlada federalka soomaaliya kaas oo ah in mudane shariif uu qabanqaabinaayo kutlo mucaarad ah oo looga soo horjeedo dowlada federalka soomaaliya.

Kutaladaan oo lasheegey in lagusoo dhisey magaalada Neyrobi ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigey Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke Raisul wasaarihii hore Soomaaliya.

Shariif Xasan sheekh Aadan oo kusugan Dalka Kenya ayaa waxaa bishii lasoo dhaafey kusugnaa Dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo kulamo xasaasi ah kula yeeshey diblamaasiyiin sare oo katirsan xafiiska wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi.

Lama oga waxyaalaha dhabta ah ee kuwada hadalayeen labada dhinac hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ay kuwada hadaleen arimaha soomaaliya iyo sidii dowlada imaaraadka Galaangal uga yeelan leheed isla markaana Imaaraadka utaageeri lahaa mucaaradka soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa umuuqata mid marta gelin doonta Mucaaradka Xukuumada Farmaajo waxaana kutaladan ku mideysan madaxdii hore iyo dad miisaan ku lahaa siyaasadii soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here