WAR DEG DEG AH: RW KHEYRE OO AWOODIISA HOOS LOO DHIGEY IYO MWNE FARMAAJO OO QORSHO CAJIIB AH CIYAAREY

0
179


Iyadoo lagu jiro Xilliyaddii Isbadal-badalka Siyaasadeed iyo Curashada kacdoonada Roobabka, ayna kaabiga inagu soo hayso Doorashadi 2021 ayuu Madaxwayne Farmaajo bilaabay inuu yareeyo awoodi Ra’isulwasaare khayre, Waxaana lasiibey dhammaan Raggii ku xirnaa Khayre, Sida: Taliyihi hore Ciidanka Xooga dalka Indha-Qarshe iyo Taliyihi Ciidanka asluubta, Madaxwayne Farmaajo Wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliska geeyay Abtigiis, Waxaana halkaas ku dhamaatay Awoodi Taaliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ahaa raggi khayre, Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xooga dalka wuxuu geeyay Farmaajo Wiil yaroo oo uu isagu Nolosha u bilaabay, Halka Ciidanka Asluubta lageeyey Qandaraasle Mahad ee soo cuney Baydhabo ahna sodoga Lafta-Gareen, Hawadana kusoo dubtey, Wadaadki damaca Siyaasadeed lahaa Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale Ra’isulwasaare khayre waxaa laga fara maroo-jiyay Gudoomiyihi Gobolka Banaadir ee uu ka dhigan jiray Qof Gacantiisa midig ah, Waxaane banaanka la dhigay raggii uu khayre u watay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, taasoo dhabar jab dhaqaale iyo mid Siyaasadeed ku ah, Hadaba isku soo wada duub Madaxwayne Farmaajo ma uga hari doonaa kheyre Wasiirada Siyaasad ahaan isaga raacsan oo kasoo hor-jeeda Siyaasada Farmaajo mise seeftaa qaadi doontaa sida Taliyishaashi iyo Gudoomiyihi Gobolka Banaadir?

Filo qoromada tan xigta ee xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here