WAR DEG DEG AH: QORSHE LARABO IN LAGU KHAARIJIYO ABUU MANSUUR OO SOO IFBAXEY

0
173

Warar aan ka Helney masuuliyiin katirsan xisbiga sheikh mukhtar Roobow Ali Abuu mansuur oo Dowlada Federaalka somaliya u Xiran kuwaas ayaa sheegaya in amaanka hogaamiyahaas uu halis ku jiro.

masuul u hadley Xisbiga Abuu mansuur ayaa yiri “waxaa la weerari Rabaa Guriga sheikh mukhtar Roobow Ay Dowlada Federaalka somaliya Dejisey, waxaa lagu Weerari Rabaa 12 Qofood oo katirsan alshabaab”.

Masuulkan ayaa sheegey in ay heleen macaluumaad hordhac ah oo muujinaya in uu halis kujiro amaanka wadaadkan xabsi guriga ku ah meel aan sidaasi ugu fogeyn madaxtooyada soomaaliya
Masuul kan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in kooxda sheikh mukhtar Roobow weerari Rabta ay ku kooban yihiin ilaa iyo 12 Qofood kuwaas oo ku sheegey in ay kala yihiin 4 Qof oo kasoo jeeda Beesha Abuu Mansuur, 3 Qofna Beesha Raisul wasaare Kheyre halka 5 Qof kalane ay kasoo jeedaan beesha Mwne Farmaajo Iyo Guddoomiye Cabdiweli muudey

Qorsha Weerarka ayaa lasheegey in uu udhacaayo Sidatan “hal Qof ayaa Qarax ku Xiran wuxuuna isku Qarxin Doonaa Guriga sheikh mukhtar Roobow’ Qofka inta uusan is Qarxinin ka hor Gaari ismiidaan ah ayaa guriga sheikh mukhtar Galaaya ,

Dadka guriga sheikh mukhtar weeraraaya 6 Qof oo ka mid ah markii labada Qarax ay dhacaan ayaa guriga dhexdiisa ka dhex Dagaalamaayaan Si ay u Dilaan sheikh mukhtar Roobow haddii 6 Qof Guriga Gasho labadana ay is Qarxiso waa Sideed Qof Afar ayaa guriga Banaankiisa ka Dagaalami doonta Si ay u Difaacaan Wixii Gurmad ah

Majiro ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara arintaan marka laga reebo sheegashada masuulkaan oo kusugan Magaalada Nairobi
Hadii ay arintaan rumowda ayaa waxey fashil weyn ku noqon doontaa dowlada soomaaliya oo hada ladaalaa dhaceysa culeysyo amni iyo mid siyaasadeed.
Arintaan ayaa soo ifbaxeysa xilli kooxda alshabaab lasheegayo in ay soo buux dhaafinayaan duleedka caasimada muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here