WAR DEG DEG AH: PUNTLAND OO XIISAD SIYAASADEED KATAAGAN IYO SICIID DENI OO MOTION LAGA KEENEY

0
86

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo lasheego in ay tahay hooyada federalka ayaa waxaa bilahan danbe u uumaqataa mid marti gelin doonta qul qulatooyin siyaasadeed.

Arintaan ayaa timid wixii ka danbeeyey booqashadii raisul wasaaraha soomaaliya mudane xasan cali kheyre ku taget waqootiga gaalkacayo waxaana booqashada lasheegey in aan lagu war gelin madaxweynaha puntland siciid cabdullahi Deni talaabadaas oo keentey in mr. Deni u diido in uu soo galo Xasan cali kheyre Aqalka dowlada putland ee gaalkacayo.

Raisulwasaare kheyre ayaa lasheegey in uu arintaa qoonsadey isagoona hawl maalmeedkiisa sii watey.

Dadweyne ubadnaa dhalin yaro ayaa dibada loo soo saarey waxaana arintaa kashaqeeyey habdhowritaasha xafiiska raisul wasaaraha ee kaga hor mara goobaha uu booqanaayo.

Talaabadan ayaa lasheegey in siciid cabdulahi deni madaxweynaha Puntland uu canbaareeyo dowlada federalka waxaana uu ku eedeyey dowlada in ay wado kicin dadweyne.

Dhanka kale dowlada federlka ayaa bilowdey in ay la macaamisho ganacsatada isla markaana mashaariicdii maamulka xaqa u laha ku wareejisey shaqsiyaad ay xiriir hoose la leedahay si ay ugu xumeyso mr. Deni oo tan iyo doorashadiisa aanu lajaan qaadin madaxda fderalka.

Ganacsatada ayaa bilowdey fulinta mashaariicda federalka soo siisey waxaana arinta durba soo fara geliyey maamulka Siciid deni isa goona xabsi u taxaabey ganacsatadii waday mashruuca.

Arintaan ayaa waxaa ka dhashey kala qeybsanaan iyo kala shaki maamulka puntland ayadoona durba lasheegey in uu bilowdey guux siyaasadeed oo halistiisa wata.

Qaar kamid ah xildhibaanada puntland oo garab ka helaya dowlada federalka ayaa durb lasheegey in ay qoreen soo jeedin iyo eedeyn xilka looga tuuraayo madaxweyne deni oo hada u dhamaatey 6dii bilood ee dastuurka ku qorneyd taas oo sheegeysey in aan motion laga geen karin madaxweynaha 6da bilood ee u horeysa.

20 xildhibaan ayaa lasheegey in ay bsaxiixeen xilka qaadista madaxweynaha waxaana magaalada Garowe laga dareemayaa guux siyaasadeed oo qabyaaladetsan.

Puntaland ayaa aheed 21 sano lasoo dhaafey goobaha ugu amaanka badan soomaaliya waxaana arintaa amaanteeda lahaa isamada puntaland oo diidey in ay qaxaan reer puntaland ayuu yiri aqoon yahay ku sugan magaada Garoowe isagoona hadalkiisa sii raaciyey in puntland markale ubaahantahay bed baadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here