MUQDIAHO(TEBIYENEWS)-waxa la qabtay Ninkii dilay Alle ha u naxariiste Suleeqa Yuusuf Barqadle oo aheyd Hooyo haysata Afar (4) carruur agoon ah.
Xarunta Dambi baarista Ee C.I.D ayaa lagu xiray, halkaas oo lagu weydiinayo su’aallo lixiriira Marxuumadda.
Qoyska gabadha geeriyootay ayaa ii sheegay in xilligaan lagu aasayo Qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho.