WAR DEG DEG AH: MD FARMAAJO OO MILTERIGA ITOOBIYA KU WAREEJIYEY ILAALINTA XUDUUDAHA SOOMAALIYA.

0
205

Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lasheegey in uu saxiixey hashiis qarsoodi ah.

Heshiiskan ayaa lasheegey in uu u dhaxeeyo Abey Axmed Iyo madaxweyne Farmaajo waxaana heshiiska fududeeyey Teliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe iyo Taleliyaha Nabad Sugida Itoobiya.

Heshiiska ayaa lasheegey in uu dhacey sanad kahor Inta udhaxeysey June iyo Agaust 2018.

Heshiiska ayaa ka koobnaa sida ay sheegeen ilo diblamaasiyadeed oo Qeyb ka ahaa heshiiska 13 qodob oo xasaasi ah kuwaas oo sideed kamid ah aan helney una qornaa sidan.

  1. In Dowlada Soomaaliya ay isticmaali karto ciidanka Itoobiya hadii ay Dareento Khatar amni oo kaga timaada Dowlad kale.
  2. In Dowlada Soomaaliya policemilitaro oo Qalabeysan loondhiso kuwaas oo sugaya amniga Gudaha DF.
  3. In Itoobiya masuul katahay Xaduuda Dheer ay la laadahay Soomaaliya.
  4. In Ciidanka Difaaca Badda Itoobiya lawareegaan ilaalinta Xeebaha Soomaaliya.
  5. Si heshiiska loo meel mariyo in maamul Goboleedyada Dowlada lahoos geeyo, furad kalana lasiiyo madaxeyne Farmaajo.
  6. In dhammaan maamul Goboleedyada dalka lageeyo ciidan Itoobiyaan ah.
  7. In shaqada Amisom lagu wareejiyo Ciidanka Itoobiya DF ay codsato arintaas.
  8. In ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya kusugan sitoos ah uga amar qaataan MD maxamed Cabdullahi Farmaajo ayna fuliyaan awaamiirta isaga ka kasoo baxda ayagoo wargelinaya keliya Madaxda ugu sareysa Dowlada Itoobiya.

Qodobada Kale ayaan noosuura galin in aan helno waxaana madaxweyne Farmaajo heshiiska ku qalqaaliyey Qaar kamid ah latelayaashiisa iyo dowlaha Qatar iyo Norway.

Bisha sebtember ee sanad kan ayaa lafilayaa in ciidanka itoobiya lawareegaan Magaalooyinka dhuusa mareeb iyo Bu’aale oo ah caasimadaha Galmudug iyo Jubaland.

Ciidanka Itoobiya ayaa hada Dhaqdhaqaaqyo xooga kawada durba Deegaanka FeerFeer iyo degmada Luuq kuwaas oo lasheegey in ay ku wajahan yihiin BU’AALE IYO DHUUSA MAREEB.

Si loo meel mariyo heeshiis yadan ayaa dowlada Itoobiya waxaa ay balan qaadey in md Farmaajo mudo 12 sano ah fursad lasiiyo si arintaas loo meel mariyana waxaa socoda dagaal lagu haayo madaxda maamulada ee lagu tuhumaayo in aysan u hogaan saneen Qorshaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here