WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO DF UGU HANJABEY IN UU ISCASILI DOONO

0
204

Wararka naga soo gaaraya villa soomaaliya ayaa sheegaya in maalmahan halkaasi joogey madaxweynaha maamulka KGS mudane Cadicasiis Xasan maxamed.

Ujeedka Laftagareen ayaa lasheegey in ay ku qotontey arin dhaqaale lixiriirta oo dowlada soomaaliya u balan qaadey xilligii ol olaha doorashada ku jirey taas oo eheed in dhamaan hay’adaha maamulkiisa dowlada gacan weyn kasiindoonto xaga qarashaada.

Tan iyo markii ladoortey madaxweyne laftagareen ayaa lasheegey in dowlada federalka soomaaliya ka mashquishey isagoona dhoor jeer muqdisho u yimid sidii loogu fulin lahaa balan qaadyadii loo sameeyey.

Mid kamid ah xoghayaasha madaxtooyada koonfur galbeed oo magaciisa diidey in aan adeegsano ayaa sheegey in dowlada federalka ay balan qaadey in ay siiso 8-da bilood ee ugu horeeya madaxweyne Laftagareen 450’000 dollar (afar boqol iyo konton kun oo dollar) bilkasta si loo dardar geliyo shaqada hay’adaha dowliga ah.

Arintaan ayaa lasheegey in dowlada soomaaliya kusoo koobtey 100,000 dollar (boqol kun oo dollar) bil kasta waxaana lasheegey in villa-soomaaliya dhoor jeer balimisey masuulkaan hase yeehsee weli aannwaxba lashiin.

Maalintii shaley ayaa lasheegey mr. Laftagareen in uu ku hanjabey in uu is casilaayo hadii aan dalabkiisa loo oofin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here