Duqayn ka dhacday Deegaanka Buula-fulay oo dhaca gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa in degaal foolka fool isku badeley halkaasi kadhacey kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran xoog ku galeen xaruuntii alshabaab Buula-fulaay.
Labo diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa lasheegey in xerada ay ku dhufteen labo gantaal, kahor inta aysan daadin ciidamo kumaandoos ah kuwaas daqiiqado kadib xoog ku galey xaruunta alshabaab ee deegaanka Buula- fulaay oo hoos tagta degmada Buurhakaba.
Waxaa adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi kajira xilliga oo habeen ah awgiis.
Saraakiil sare oo katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa xaqiijinaya in gacan ku heynta xerada lawareegeen ciidamo si gaar ah u tababaran waxaana deegaanka hada kataagan jahwareer.
Maalmihii lasoo dhaafey ayaa lasheegey in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay kawadeen alshabaab halkaasi.
Dhanka kale Degmada Jilibna duqeyn labaad ayaa lasheegey in ay ka dhacdey kadib duqeymo culus oo lala beegsadey habeenkii Axada ee lasoo dhaafey.
Duqeynta degmada Jilib ayaa waxaa lagu diley saraakiil sare oo katirsan dhaqdhaqaaqa alshabaab waxaana saraakiisha hogaaminayey macalin Ibrahim Abuu Xamza oo ahaa madaxii isku xirka Alqaacida iyo Alshabaab.
Saraakiishan oo gaareysey 9 xubnood ayaa degmada Jilib Kasii baxayey xiliga duqeynta lala beegsanayey waxaana xusid mudan in saraakiishan si aad ah loo doon doonayey.
Degmada Jilib ayaa noqotey xaruun si aad ah ubeegsadaan diyaadaha reer galbeedka ayadoo halkaasina lagu beegsadey saraakiil muhiim u ahaa dagaalamayaasha alshabaab.