WAR DEG DEG AH: (HARGEYSA YAREY)-ALSHABAAB OO MIINO UU FARSAMEYNAYEY KU LA’DEY

0
32

Wararka ka imaanaya deegaanka Hargeysa Yarey oo katirsan Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in qarax wayn oo qasaare nafeed geestey halkaasi kadhacey.

Qaraxan ayaa kadhacey goob ay ku sugnaayeen 11 macalin oo katirsan kuwa u farsameeya qaraxyada Ururka Alshabab.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya waxyaabaha sababey qaraxan, ilo wareedyada qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacey kadib markii qaldantey farsamadii mid kamid ah miinooyinkii halkaa lagu diyaarinayey.

Wararkale ayaa tibaaxaya in Qaraxa dhacey kadib markii gantaal ku soo dhacey goobtii lagu farsameynayey miinooyinkan.

Dhimashada ayaa lasheegey in ay gaareyso 8 ruux oo kamid ah farsamo yaqaanadii kashaqeynayey miinooyinkaasi, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen 7 qof lagu kala sheegey 4 qof xoolo dhaqato rayid ah iyo 3 oo kamid ahaa 11 macalin oo 8 kamid ah halkaa gu geeriyoodey.

Dhaawacyada ayaa lasheegey in loo qaadey Degmada Jilib si dhaawacooda laala tacaalo.

Xiriiro aan la sameyney goob joogayaal ka gaabsadey magacooda ayaa sheegey in arintaan marar badan ay deefaanada miyiga fog isla markaana dadka deegaanka saameyn xoogan ku yeelato.

Ayagoo intaasi ku darey in dadka xoolo dhaqatada ah inta badan waxyeelo kasoo gaarto, kuwa qaraxa ka bad baadana Alshabaab Qabsadaan si aysan uyesheegin wixii halkaa kadhacey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here