WAR DEG DEG AH: GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA…..

0
43

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay gudoomiyaha Golaha shacabka ee soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka degeen garoonka diyaradaha magaalada xudur ee xarunta gobolka bakool ,
…………………………………………………………………
Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda , iyo saraakiil katitsan Dawladda , waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo koonfur galbeed ka tirsan ,

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur

Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay

1-Xaruunta Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada
Iyo 2-Airporka Degmada Xudur

Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen

1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo
2-Xaruunta Degmada Xudur

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya ,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here