WAR DEG DEG AH: FAAH FAAHIN DUQEYMO XOOGAN OO GOORDHOW KA DHACEY J/DHEXE

0
54

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in duqeymo xoogan ay ka dhaceen degmooyinka Jilib iyo Bu’aale.

Duqeymahan ayaa la lasheegey in ay ka kaladhaceen labo Goobood oo kala ah xaruun tababar oo kutaala inta udhaxeysa Jilib iyo Hargeysa Yerey, iyo Degmada Bu’aale sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan wardoonka soomaaliya

Duqeynta uga xooga badan ayaa lasheegey in ay ka dhacdey xaruun tababar oo ku xareysanaayeen kudhowaad kun katirsanaa dagaal yahanada alshabaab kuwaas oo meel gebogebo ah maraayey tababarkooda loona diyaarinayey in ay weeraraan degmooyin katirsan Gobolka Banaadir.

Xaruuntan ayaa u dhexeysa Degmada Jilib iyo Hargeysa yerey Gobolka Jubada Dhexe.

Ilo wareedyo kala duwan oo aan la xiriirney ayaa xaqiijinaya in xilliga duqeyntu dhaceysey socotey muxaadaro lagu dhiira galinayey ciidanka.

Saraakiisha tababarka bixineysey ayaa lasheegey in ay ubadnaayeen Ajaaniib waxaana la rumeysan yahay in dhamaan tooda halkaasi ku geeriyoodeen.

Dhinaca kale Degmada Bu’aale waxaa caawa Gurigiisa lagu duqeeyey sargaal sare oo katirsan macalimiinta bixiya tababarada Amniyaadka qatarta ah si weyna loo doon doonayay.

horjoogahan ayaa lasheegey in duqeymo la Beegsatey mid kamid ah Diraadaha aan cidina wadin ee isticmaalaan ciidamada farnsiiska Xilli uu Gurigiisa galey daqiiqado uun kadib.

Sargaalkaan ayaa magaciisa Lagu sheegey Macalin Yoonis Karaama oo looyaqaano Abuu Cuteyba waxaana lasheegey in halkaasi ku dhinteen 12 dagaal yahan oo ilaalo gaar ah u ahaayeen iyo isaga.

Sargaal katirsan Sirdoonka soomaaliya ayaa sheegey howl galka ay iska kaashanayeen sirdoonka soomaaliya iyo kan faransiiska isagoona sheegey in lagu guuleystey bartilmaameedkii howl galka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here