War hada soo dhacey ayaa sheegaya in duqayn xoog leh oo loo adeegsadey diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ay ka dhacday Degmada Kunyabarow ee gobolka shabelada Hoose.
Duqeynta ayaa lasheegey in lagu beegsanaayey Sargaal sare oo Ka tiraan xarakada Al shabaab una qaabilsanaa Siyaasada guud ee Xarakada Al shabaab.
Sargaalkaan ayaa laduqeeyey xilli uu ku jirey safar dhuulka ah, isla markaana la gaari uu watay oo xiligaa kuyabarow duleedkeda marayay.
Xiriiro aan lasameyne saraakiil katirsan ciidanka nabadsugida oo kusagan shabeeleha hoose ayaa sheegey in howl galka isla kaashadeen ciidamada mareykanka oo fadhigoodu yahay Beleddoogle iyo sirdoonka soomaaliya.
Saraakiishan ayaa xaqiijiyey in uu ku dhintay weerarka hogaamiye sare oo katirsanaa alshabaab oo magaciisa lgu soo koobay Maxamad isla markaana ahaa madixii siyaasada guud ee alshabaab iyo Taliyaha xabsiyada qarsoon ee alshabaab iyo 2 askari oo kale oo ilaaalo u ahaa.
Duqeynta ayaa lasheegey in cecelis ahaanay ku dhinteen 4 ruux 2 masuul iyo ilaaladooda.
Lama soo sheegin wax qasaara ah oo dadka deegaanka soo gaarey waxaana adag in dadka deegaanka lahelo xilliga oo habeen ah awgeed.
Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa