WAR DEG DEG AH: DF OO MUDA KORDHIN QORSHEYNEYSA IYO XILDHIBAAN SIR BIXIYEY

0
53

Mid kamid ah xildhibaanada federalka soomaaliya ayaa hadalka bogiisa facebooga ku daabacey.

TALO IYO DIGNIIN!!!!

Dareen, shux shux iyo guux hoosaad leh ayaa muujinaaya in laga fekeraayo Xil kordhin!/ Xilkororsi Golaha Shacabka BJFS ka
2-3 Sanno! sidoo kale Madaxwaynahana asagoon afka laga sheegin si Suubis ah loogu kordhinaayo.

waxaa xusid mudan in xiligii Sheekh Shariif Ahmed uu madaxwaynaha ka ahaa Dalka ay hayn xiliga ugu mudnaan lahayn xilkororsi hadiiba Xilkororsi ay suuragal Dalkaan ka noqon kartey amaba hada ka noqon karto!
labo sababood oo maangal ahna markaas taagnaayeen.

1- xiligaas waxeey ahayn xiligii kala guurka siyaasadeed ee dalka laga Soo saaraayey Kumeel gaarka loona Soo gudbinaayey Dowlad dhamaystiran!
2- hadiiba hada marmarsiyada Xilkororsi larabo in lagu tilmaamo AMNI DARRO! Xiligaas Wadada Makka-Al mukarrama ee Madaxtoodaya gashay Waxaa ka taagnaa Calankii Madoobaa ee UGUS ( AL-shabaab) .
Sababa kaloo maangal ah intaas ka wayn oo aan hada ku sababeysan karno inaan xilkororsano Aniga iyo dad badan oo Soomaaliyeedba nooma muuqan karto!

TALO : waxaan talo u jeedinaa Guddiga Golaha Shacabka u xilsaaran diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka .
Inkastoo Gudigaan Keliya shaqadiisu tahay ineey Golaha Shacabka horkeenaan Wax laga doodi karo oo macquul ah hadana waxaan kula talinaayaa inaaney kula soo dhiiran ineey Golaha Shacabka iyo Umadda Soomaaliyeedba la soo hor istaagaan xil ku darsasho/kororsi si dalka rajadiisa dib u heshiisiineed iyo isku keenidiisaba u suura gasho, hadii kale waxeey Gudigan baal Mugdi gali doodaan taariikhda dalka , ayadoona suura galidoonin riyo maalmeedkaas Villa Somalia ay iskaga riyootey!.

Xildh: Mohammed Hassan Idriss ( Xildh: M Ganey)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here