WAR DEG DEG AH: DF OO LASHEEGEY IN HESHIIS QARSOODI AH LAGAARTEY ABUU MANSUUR IYO QODOB HALIS KU AH LAFTAGAREEN OO KU JIRA HESHIISKA

0
1550

NAIROBI(TEBIYENEWS)- Tan iyo markii ay dhacdey doorashadii koonfur galbeed ayaa waxaa lasheegey in dowlada federalka soomaaliya ay dhumisey taageero aad ubadan dal iyo dibadba, waxaana arintaas kaliftey in dalka laga saaro wakiilkii soomaaliya ee qaramada midoobey uqaabilsanaa, kadib markii dowladu ku eddeysey fara gelin arimaha gudaha ah.

Dowladaha reer galbeedka gaar ahaan dowlada UK ayaa lasheegey in ay joojisey taageero ay siin jirtey dowlada soomaaliya ayadoo ha’ada UNDP oo u qaabilsan horumirinta ay joojisey mashaariic fara badan kuwaas oo qaarkood loo weeciyey dalal kale oo africa katirsan.

Urur goboleedka IGAD ayaa dadaalo badan sameynaayey kaas oo ahaa in dowlada soomaliya lafadhiisato muwaadiinta soomaaliyeed ee tabashada qaba.

Afar kulan oo ka kala dhacey Magaalooyinka Nairobi, Dooxa , Ankara iyo kulankii u danbeeyey 4tii bishan muqadisho ka dhacey ayaa waxaa dowladu ogolaatey in koonfur galbeed oo loodhiibo shaqsi cusub oo kasoo jeeda beesha ugu awooda badan ee deegaanada koonfur galbeed taas oo sidoo kale uu kasoo jeedo Muqtaar Roobow Cali oo ahaa musharaxa rabashada dowladu qasab kusoo xiratey.

Warbaahinta xogta daahsoon TEBIYENEWS ayaa ogaatey qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyey waxaana uga muhiimsanaa 3 qodob.

  1. In Xildhibaanada cusub ee koonfur galbeed ee lasoo xuli doona bisha October 2019 ay doortaan madaxweyne cusub, dooradana dib u heshiin looga dhigo beesha Roobow.
  2. In muqtaar Roobow magan geliyo siyaasadeed loo geeyo mid kamid ah afar dal oo kamid ah dalalka carbeed ( Sacuudiga, Turkiga, Qatar ama Baxreyn), qodobkaan ayaa ahaa qodob dowlada soomaaliya laga fujin waayey waxaana markii danbe lasheegey in lagu heshiiyey oo Beesha Roobow ay ogolaatey
  3. In dowlada soomaaliya ay magdhow siiso dadkii ku waxyeeloobey rashadihii kadhcey koonfur.

Heshiiska ayaa ahaa mid seddex geesood ah oo udhaxeeyey Dowlada Soomaaliya, IGAD iyo odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda KGS.

Xafiiska Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa durbadiiba diyaariyey shaqsigii lagu bedeli lahaa Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana durba soo baxaya in Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta mudane Cabdi Adan Hoosow oo ku heeb ah Abuu mansuur loo diyaarinaayo doorashada kadhici doonta koonfur galbeed daba yaaqada sanadkaan

Raisul wasaaraha soomaaliya ayaa lasheegey in heshiiskaan uu horseed u ahaa waxaana maalmihii danbe soo baxayey in xukuumada Raisul wasaare kheyre ay dadaalo uga jirtey sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kasoo yeeraya maamulada dalka iyo beelaha soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here